Home Afsomali Xassan Shiikh oo kormeeray xero Milateri oo ku taalla degmada Maxaas

Xassan Shiikh oo kormeeray xero Milateri oo ku taalla degmada Maxaas

Madaxweynaha Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas.

Xassan Shiikh ayaa ku bogaadiyey ciidamada xeradaas ku jira guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Al-shabaab, isagoo kula dardaarmay inaysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga.

Waxaa uu ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay u soo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno al-shabaab  diyaar garowga  sidii la rabay uusan  aheyn islamarkaana dalka uu ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya ay heysato Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka la bilaabayay, diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

https://youtu.be/C7nBMeqww7Q

 

https://youtu.be/ghtlsVaIFa0

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.