Home Afsomali Qaar ka mid ah ardayda jaamacada Somalia oo xabsiga la dhigay ka...

Qaar ka mid ah ardayda jaamacada Somalia oo xabsiga la dhigay ka dib

Maxaa ka jira in 5 Ardey Al-shabaanimo loogu xirey Muqdisho

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in 5 arday loo xiray tuhun ah inay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.

Ardydaan ayaa la sheegay inay wax ka bartaan Jaamacada Umamada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho taasoo ay Dowladu si gaar ah u maamusho.

Warkaan ayaa imaanaya xili saacadihii ugu danbeeyay uu baraha bulshada qabsay warar sheegaya in Abwaan Nageye oo Macalina ka ahaa isla jaamacadaan Ummada uu u goostay Alshabaab.

Sidoo kale Cabdullaahi Shiikh Rashiid AKA (Makki) oo ah Odeygiii damiintay Nageeye waagii uu ku soo biirayay Jaamacada ayaa isagana lga waayay gurigiisa xili la doonayay in su’aalo laga weydiiyo arinta Nageeye.

Ciidamada Sirdoonka NISA ayaa la hadal hayaa inay soo xireen 5-taan ardey sidoo kalana ay waayeen kuwo kale oo iyagana ay ku raad joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.