Halis weeyee halisee.
Hareeraha adduunka dabbaa ka holcaaya
Halis weeye Halisee
hareeraha adduunka dab baa ka holcaaya.
Abwaan Macalin Siciid Saalax nAxmed.
Laxanki Daahir Cali Jimcaale
HALIS WEEYE HALISEE
————————————–
Hareeraa aduunka
Dab baa ka holcaaya
Hub baa ka qarxaaya
Hed baa ku baxaysa
Kuwaa herdamaya
Habeen iyo maalin
Kuwaa biyo hoostood
Haraati is yeela
Kuwa isku hiifa
Siyaasad hagooga,
Kuwaa hardafaaya
Kuwaa halgamaaya
Kuwaa holinaaya
Kuwaa hadimaya
Kuwaa haqab beela
Kuwaa hunga taagan
Haybtiisaba Aadmi
Dadnima ka huleelye
Hagardaamo adduunka
Dad maxaa kala haysta
2.
Hareera Adduunka
Hormuud talinaaya
Hagaas daba jooga
Aqoonta Habowday
Hub geri samaysa
Hadmaa laha waayi?
Haddmuu sacu dhiiqay
Hadhuub caana dhiiga
Sabuulka hadhuudhka
Rasaas laga hoobshey?
Kuwa cudur heeray
Hamuun iyo qaajo
Aqoonsan daro haysa
Kuwa hagranaaya
Kuwaa halal beenta
Kuwa u habaya
Kan haysta shidaalka
Heehaabka adduunka
Dad maxa kala haysta
3.
Hareeraa Adduunka
Baqaa ka huraaya
Habaaska daluumay
Dadbaa isku haysta
Haddad u garsoorto
Runtii helimaysid
Hidii Afrikaanka
Durbaaki Hadlaayey
Halaanhalka ciilka
Codbaa ka hugmaaya
Halyeyada koonfur
Hankoodaa la quudhay
Horaa bari dhexena
Haddaa geeska barina
loo soo hanqaltaagey
Haybtiisaba Aadmi
Dadnimo ka huleelye
Hagardaamo adduunka
Dad maxaa kala haysta.