Ciidamada ee xooga ku heysta dhulka falastiin ayaa u diiday in ay galaan Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla Bariga Quddusta la heysto ee dhulka falastiin.
Sarkaal ka tirsan waaxda amniga ee magaalada Quddus ayaa u sheegay idaacad maxali ah in booliska Israa’iil ay u ogolaadeen Falastiiniyiinta da’doodu ka weyn tahay 65 sano inay ku cibaadaystaan Masjidka Al-Aqsa.
Sarkaalkan oo doorbiday inaan magaciisa la shaacin, ayaa intaa ku daray in Israel ay xayiraad adag ku soo rogtay Muslimiinta muddo laba toddobaad ah, tan iyo markii uu bilowday dagaalka hubaysan ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas 7-dii Oct.
Goob joogayaal ayaa sheegay in daraasiin Muslimiin Falastiiniyiin ah lagu qasbay in ay ku tukadaan wadooyinka soo gala Masjidka Al-Aqsa kadib markii ay u diideen booliska Israa’iil in ay soo galaan.
Tan iyo subaxnimadii Jimcaha, ciidamada Israa’iil ayaa si aad ah loogu daad gureeyay guud ahaan bariga Quddus ee la haysto, gaar ahaan magaalada qadiimiga ah iyo albaabada laga soo galo masaajidka.
Colaadda Gaza, oo ay Israa’iil duqaymo iyo go’doomin ku hayso tan iyo Oktoobar 7, ayaa billowday markii Xamaas ay billowday Hawlgalka Al-Aqsa, oo ah weerar lama filaan ah oo dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan gantaallo badan oo ay ku soo galeen Israa’iil xagga dhulka, badda, iyo cirka. Waxa ay sheegtay in duulaanka uu ahaa mid looga aargudayay weerarkii lagu qaaday Masjidka Al-Aqsa iyo rabshadaha sii kordhaya ee ay geysanayaan dadka Israa’iiliyiinta ah.
Milateriga Israa’iil ayaa markaas billaabay howlgalka seefta birta ah ee ka dhanka ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza.
Ugu yaraan 3,785 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaaday Qaza, halka tiradaasi ay marayso in ka badan 1,400 oo qof oo Israa’iil ah.