Somaliland ayaa cambaareysay qodob ka mid ah go’aanadii ay madaxda urur goboleedka IGAD ee shalay ku shiray Muqdisho soo bandhigeen. Waxay Soomaliland si toos ah u xustay qodobka ka hadlayey midnimmada Soomaaliya ay tahay mid aan kala qaybsamin, arrintaasi oo ay cabasho ka muujisay.
War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, ayaa hadalka ka soo yeeray IGAD wuxuu ku tilmaamay mid ‘maag iyo meel ka dhac qaawan’ ku ah Somaliland.
War-murtiyeed ka soo baxay shirkii IGAD ayaa lagu sheegay in urur gobleedka uu xurmo u hayo midnimada Soomaaliya.
“Waxaanu u aragnaa arrintaasi mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somaaliya iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somaaliya, ee looga taliyo magaalada Muqdisho”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0