Home Afsomali Buundo cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xarigga laga jaray

Buundo cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xarigga laga jaray

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray buundada cusub ee laga hirgaliyay waddada 20-October ee degmada Waabari.

Buundadan cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho ayaa loogu magacdaray Badbaadada caruurta iyo ardayda, waxaana loogu tala galay in ay adeegsadaan ardayda dhigata iskuulka 21-ka October.

Xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir , maamulka degmada iyo maamulka shirkada Hormuud po gacan weyn ka geesatay hir-galinta buundadan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha wadooyinka Caasimadda iyo buundooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.