Home Afsomali Beesha cabdalle sabti oo ka tirsan beelweynta karanle murusade oo qaadatay ku...

Beesha cabdalle sabti oo ka tirsan beelweynta karanle murusade oo qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka nabadoon cusubne caleemo saaratay daawo sawirada

Kulan ay soo qaban qaabiyeen odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha cabdalle sabti ayaa ka kafurmaysa Hoolka beerta dalxiska ee Mogadishu Tourist Village.

Kulankaan ayaa u jeedadiisu ahaa  iswafajinta Dhaqanka iyo Shareecada Islamka

Kulankana wada tashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin Madaxda dhqanka siyaasiyiin culumaaudiin Ganacsato ergo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee beelweynta hawiye  dhalainyaro haween barbaartabgaashaaman iyo marti sharaf kale oo munaasibada lagu casuumay .

Ugu horeyntii Nabadoon Xaaji Cali faarax Maxamed Cali shanle oo Munaasibada daahfurey ayaa ka hadlay danta iyo ujeedka shirka wuxuuna si qoto dheer uga hadlay Faaiidada ka dib markii ay bateen is dilka iyo dilayada qiimaheedu ka hooseeyaa nafta wuxuuna carabka ku dhuftay in haatan wixii ka danbeeya ay dhamaatay in diyo lakala qaato balse ay ku dhaqmayaan Shareecada islmaaka kitaabka iyo sunada N.N.K.H waxaana looga danbeyn doonaa fulinta howshaas gudomiye Maxamed cabdi badane .

Nabadoon Maxamed Cabsuqaadir Xasan oo ku hadlayey magaca beelweynta karanle hawiye

ayaa beesha Cabdalle sabti uga mahadceliyey in ay bulshadooda u doorteen ku dhaqanka shareecada islaamka isla markaana wuxuu soo dhaweeyey nabadoonka beeshu u xilsaaratay hirgalinta ku dhaqanka shareecadq islaamka .

Nabadoon cashara ayaa u duceeyey nabadoonka cusub islamrkaana soo dhaweeyey doorkooda ku aadan ku dhaqanka shareecada islaamka ee beesha cabdale .

Nabadoon cabduqaadir Xusen bacadow oo ku magacdheer wabiin isla markana ka mid ahaa ergada iyo madaxdii dhaqanka ee madaasha ka hadlay ayaa xusay baahida loo qabo ku dhaqanka shareecada islaamka si qof walbo cadaalad iyo nabad waarta qu helo

Nabadoon yuusuf Maxamed Xersi xaafo ayaa soo dhaweeyn iyo hambalyo iskuugu daray nabadoonka iyo ku dhaqanka diinta islaamka ee beesha cadalle sabti ay dooratay .

Suldaan Cabdulaahi Xaashi Dhabaray

Ayaa xusay in ay uga hormareen isla markaana ay tayah arin ku dayasho mudan saldhig iyo marjacne ay beeaha cabdalle sabti ka dhigtaan ku dhaqanka shareecada islaamka

Nabadoon guure qiroshaaq culusow ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeeyey ee beeshaani is ku mar ku dhawaaqdo nabadoon iyo iswaafajinta dhaqanka iyo diinta islaamka .

Nabadoon xusen Xasan Bariise oo ka mid ahaa ka qeybgalyaasha madasha iyo gogosha ay dhigeen waxgaradka beesha cabdalle sabtigar ahaan Maxamed Absuge Xasan iyo ilka gaduud  ayaa sheegay in ay farxad u tahay ka qeybgalka gogosha uuna u soo dhaweynaayo Nabadoon Maxamed Cabdi badane si heer sare ah

Garyaqaan Macalin gacamey ayaa ka dalbaday walaalaha cabdalle sabti garsoor caadil ah iyo diinta islaamka in ay isku dhaqaan isagoo xusay in ay uga fadhinaa in ay muujiyaan kana run Sheegaan ku dhaqankan shareecada islaamka isla markaana uu ka noqodo marqaati goobjooge ah aduun iyo aaqiro kuna camal falaan wuxuuna ka codsaday inta ka dhiman in ay side deg deg u dhameystiraan.

Nabadoon saciid kuulow oo ah yaraanki beesha Cabdale sabti Ayaa ku amaana beesha doorashada ay doorteen nabadoon Maxamed Cabdi Badane iyo is waafajinta dhaqanka iyo shareecada islaamka wuxuuna dhawaq dheer ku yiri waa arin ku dayasho mudan talaabada ay qaadatay beesha cabdalle sabti oo ka mid beelweynta karanle

ugu danbeytiina wuxuu cadeeyey in uu taageearayo lana shaqeyn doono Nabadoon Maxamed Cabdi Badane marqaatine uu ka yahay doorashada beesha ee ku dhaqanka shareecada oo ah talaabo beeshu horey u qaaday isla markaana ku dayasho mudan .

Nabadoon cusmaan Xaaji Cali Kulmiye ku hadlayey magaca beesha baadicade ayaa ku amaanay beesha in ay dhamaan bulshada somaliyeed u horseedo ku dhaqanka shareecada islaamka

Gudoomiyaha dhalinyarada Dr ismaaciil ileyke ayaa xusay in dhalinyarada beeshu ay la garab taagan tahay Xoog iyo xeelad wuxuu u baahdo gudoomiye Badane sidii horane ay dhalinyaradeu ugu horeysay inta ku dhibaneyd

Nabadoon iimaan axmed lugay oo ku hadlayey magaca beel weynta abgaal cismaan ayaa uga mahad celiyey doorashada iyo ku dhaqanka shareecada islaamka si ay isaga nabad galaan dadka intisa kale uga nabad galo.

Nabadoon Muxudiin suuxaay Ayaa xusay in uu ku faraxsan yahay ayna tahay markii ugu horeysay ee uu arko beel iska fogeysay diyo taa bedelkeedana qaadatay in ay isku xakumaan shareecda islaamka .

Duqa beesha cabadalle Nabadoon Maxamed Cabdi badane oo qudbad dhinacyo badan taabaneysa madasha ka jeediyey ayaa Mahad celin iyo soo dhaweyn ka sokow balan qaaday in uu bulshada dooratay cadalaad iyo diinta islaamka ku dhaqi doono wuxuu ku dheeraaday ka sheekeynta xilka culus ee guudka loo saaray .

Gogoshaan ayaa mustaqbalka looga kaaftoomi doonaa in qof la dilay gacanku dhiiglaha dilay uu mag bixiyo ka dibna dibadaha iska wareego


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.