Home Afsomali Qeys Ethiopian ah oo xafladoodi aroos ku dhigtay gudaha badda Somaliya

Qeys Ethiopian ah oo xafladoodi aroos ku dhigtay gudaha badda Somaliya

 

https://www.youtube.com/@Somalisangmailcom

Dhawaan waxaa ku baahay baraha bulshada muuqaal aroos ka dhacaya gudaha badda, kaas oo dadka qaar ee ku daabacay barahooda gaarka ah ay ku sheegeen inuu yahay aroos ay dhiganayeen lamaane Itoobiyaan ah, meesha uu ka dhacayna ay tahay gudaha badda Soomaaliya.

Muuqaalkaan oo ay ka falceliyeen qaar kamid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ee Soomaalida, ayaa inta badan waxay is weydiinayeen sababta badda Soomaaliya ay aroos ugu dhiganayaan qoyskaan Itoobiyaanka ah.

“Ishaarada aroos ka weyn,” ayuu yiri mid kamid ah dadkaas oo faallo bixiyay. Kuwa kale ayaa is weydiiyay halka uu ka dhacay aroosku ee kamidka ah xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaan lahayn shirkado diyaarada adeegyo lamid ah kan muuqaalka muujinayo ee ah in gudaha badda lagu qabto aroos. Sidoo kale lagama helo doomaha qaaliga ah, sida mida lagu arkayo muuqaalka ee xafladu ka dhacayso. Taas ayaa ah sababta dad badan ay su’aal isaga waydiinayaan run ahaanshaha warkaan.

Hadaba, xagee ka dhacay arooskaan?

Somali waxay isku daydey inay ogaato halka uu ka dhacay arooskaan, iyada oo isticmaaleysa xogta dhextaalla internet ka ee horay loo keydiyay.

Goobta uu arooskaan ka dhacayo ayaan ogaanay inay tahay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan xaafadda gabowday ee Koonfurta Hemisphere.

Sida uu muujinayo muuqaalka baahay, waxaa xaga dambe ka muuqda dhawr buurood oo is garab yaalla oo soo kulaalaya goob lagu xiro doomaha oo saaran xeebta. Buurahaas ayaa kamid ah muuqaalka bilicda leh ee ay daawadaan dadka u dalxiis taga V&A Waterfront.

Goobtaan ayaa ah xeeb loo dalxiis tago oo ku taalla Cape Town, malaayiin qof oo dalxiisayaal ah ayaan sanad walba gaara.

Waxaa loogu magacdaray Boqor Alfred iyo Boqorad Victoria oo kamid ahaa xubnaha qoysaska reer boqorka Ingiriiska.

Xilligii gumeysiga Ingiriisku uu ka talinayay Koonfur Afrika, ayaa Boqor Alfred oo hugaaminayay ciidamada badda ee Ingiirksa wuxuu amray in xaafad cusub loo dhiso maamulka gudmeystaha, halkaan ayayn ahayd goobtii la dhisay.

Mar dambe waxay xuddun u noqotay dhismaha magaalada caasimadda ah ee Cape Town, sida taariikhda lagu xusay.

Sanadkii 1988 dii, ayaa la aasaasay shirkad lagu magacaabo Victoria and Alfred Waterfront (Pty) Ltd, taas oo hoos imaata shirkadda kale Transnet Ltd, taas oo u jeedka laga lahaan ay tahay in la dayac tiro goobtaan taariikhiga ah, si loogu isticmaalo dhawr qaab oo kala ah deegaan iyo dalxiis.

Waa ayo dadka arooska dhiganaya?

Muuqaalku wuxuu muujinayaa in dad u eg Soomaali ay ku sugan yihiin goobta. Tusaale ahaan qof kamid ah dadka ayaa xiran dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Soomaalida ee ragga goonida u ah – go’ cad, hoosgunti cad iyo suunkii baylka ahaa ee dhexda lagu xiran jiray, laakiin intaasi kuma inaad ku ogaato cida ay yihiin. Sababtoo ah waxaa kale oo muuqaalka ku dhex jira haweeneey wadata dharka hiddaha iyo dhaqanka ee Itoobiya iyo nin dhallinyaro ah oo wata qamiis, cimaamad iyo cigaal, oo dabcan ay dhaqan ahaan caan ku yihiin dadyowga carabta.

Si aan u hubino ayaan kaashanay qaar kamid ah wariyaasha BBC ee laamaha la hadla Itoobiya. Waxay dhageysteen heesaha ka baxaya xaflada arooska iyo sidoo kale wadasheekeysiga dhexmaraya dadka doonta wada saaran. Dhawr wariye oo ka kala socda laamaha Amxaarada, Tigreyga iyo Oromada ayaan daawadsiinay muuqaalka.
Badankood waxay noo sheegeen inaysan fahmeynin luuqada lagu wada hadlayo iyo heesaha baxaya intaba. Balse qayb kamid ah ayaa sheegay inay u badinayaan inay yihiin qoyska arooska dhiganaya qowmiyadda Silte ee degta koonfurta Itoobiya.

Iney dhamaantood muslim wada yihiin, Soomaalidana daris yihiin ayay sidaas ugu maleeyeen kooxdaan dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.