Home Afsomali Milatariga dalka oo toogasho ku dilay ruux ay sheegeen in uu is...

Milatariga dalka oo toogasho ku dilay ruux ay sheegeen in uu is qarxin rabay

Taliska ciidanka dhulka xds Muqdisho 13/11/2023 Abaare 08:21 AM Subaxnimo ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed toogteen ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga gelo kuliyada jaale siyaad ee 77.

Ciidanka xds ayaa qofka  isku soo xiray waxyaaba qarxa ku toogtay inta aanu soo gaari albaabka hore jaale siyaad ee 77

Taliska ciidanka dhulka xds wuxuu cadaynayaa inaanu jirin wax qasaara ah marka laga reebo dhagarqabihii ciidanku toogteen ee isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ciidanka geesiyaasha xds habeen iyo maalin waxeey u taaganyihiin inay kahortaga dhagarta khawaarijta iyo ciribtirkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.