Home Afsomali Ciidamada dowladda oo howlgallo kula wareegay degaano horleh

Ciidamada dowladda oo howlgallo kula wareegay degaano horleh

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9aad ee Qaybta 60aad ee CXDS ayaa howlgal qorshaysan ka fulliyey deegaanka makiiney oo qiyaas ahaan 40km dhanka koonfureed kaga beegan degmada xuddur ee xarrunta Gobolka Bakool ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalkaan qorshaysan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliye Kuxigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/le Yuunis aadan Xasan waxayna ciidanku kula wargeen Deegaanka makiiney ee hoostaga degmada xudur ee gobolka bakool.

Deegaanka makiinaay ayaa ah tuulo Al-Shabaab u is ticmaalaan Suuq ay iskugu keenaan, shacabka xoola dhaqatada ah ee deegaameysta deegaanka iyo deegaanada u dhow.

Taliye Kuxigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad G/le Yuunis aadan Xasan ayaa sheegay in Ciidamadu ay weli wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobolada dalka, iyaga oo meelo badan oo dalka ah ka saaray Al-Shabaab.

Waa howlgalkii labaad oo muddo 24 Saac Gudahood ah ay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyaan degaano katirsan gobolka Bakool, isla markaana ay kula wareegaan degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.