Home Afsomali Dab qasaare xoogan geystay oo goor dhaweyd ka kacay suuqa Xamar weyne

Dab qasaare xoogan geystay oo goor dhaweyd ka kacay suuqa Xamar weyne

Dabkaan ayaa ka bilowday qeybta digaaga galayda iyo bagaashka ee Degmada Xamarweyne Magaalada Muqdisho waxaana uu ku sii fidyaaa qeybo kale iyadoo ka sheegayo in goor dhaw oo caawa maqribkii  ah uu dab xooggan ka kacay guri kaasoo ku sii fidaya xaafadaha ku dhaw.

Guriga dabku ka kacay wuxuu u dhaw yahay Masjidka caanka ah ee Marwaas iyadoo dadka deegaanka oo aan la hadalnay noo xaqiijiyeen in dabku sii badanayo xili wadooyinka Xamarweyne uu ciriri yahay.

Sidooo kale dadka deegaanka waxay noo sheegeen in mar dhaw ay goobta soo gaareen kooxda gurmadka degdega ee dab-damiska Gobolka Banaadir.

Dhanka kale dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in qaar ka mid ah tukaamada suuqa Xamarweyne la bililiqeystay kuwaasoo aad ugu dhaw halka dabku ka kacay.

Ciidamada Boliiska ayaa daqiiqado ka dib soo gaaray goobta xili waxoogaa bililiqo ah ay dhacday inkastoo boob baahsan uusan jirin.

Ganacsatadii goobaha ganacsi laheyd iyo waxaa la kala gar waayey tuugta dhaca dooneyso iyo kuwa kale oo gurmad ahaan goobta u soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.