Home Afsomali Booliska DF oo shaaciyey in gacanta lagu dhigay ajaaniib ka tirsan kooxda...

Booliska DF oo shaaciyey in gacanta lagu dhigay ajaaniib ka tirsan kooxda Daacish

Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ka  sheegay in ciidanka dowlad gobaleedka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen afar xubnood oo ka tirsan Daacish.

 

Xubnahan ayuu sheegay iney yihin ajaaniib u wada dhashay dalka Marooko.

 

Afhayeenka ayaa sheegay Hawgal ay ciidanka ammaanka ee dowlad gobaleedka Puntland ka sameeyeen Buuraha Cali Miskaad November 18, 2023-ka ay gacanta ku soo dhigeen ajaaniib u dhalatay dalka Marooko

 

“Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar dhagar-qabe oo ka tirsan khawaarijta Daacish oo u dhashay wadanka Marooko,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska.

 

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka ay wadaan baaris, isaga oo xusay in marka ay dhammaato baarista ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.