Home Afsomali Garoon diyaaradeed laga hirgaaliyey deegaanka wargaadhi

Garoon diyaaradeed laga hirgaaliyey deegaanka wargaadhi

Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa qaaday tilaaba muhiim ah oo lagu garab istaagayo Ciidamada ku sugan jiida hore Ee dagaalka gaar ahaan Goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe.

Deegaanka Wargaadhi oo qiyaastii 55 KM u jirta Degmada Cadalle Ee Gobalka sh/dhaxe ayaa laga dhisayay Garoon Diyaaradeed oo ay ku degaan Diyaaradaha caawinaya Ciidamada XDS, Garoonkaan waxaa looga maarmi doonaa in askarta ku waxyeelooba Howlgalka iyo furimaha dagaalka in diyaarad laga soo saaro Degmada Cadalle jidkana ay ku dhiig baxaan.

Taliyaha Ciidanka XDS ayaa shalay wargaadhi u diray guddi kormeera shaqada Garoonka Ee halkaasi laga bilaabay, waxaana hadda la dhisay goob ay ku degaan diyaaradaha yar yar in kastoo garoonkaas uu noqon doono Mid muhiim ah.

Sidoo kale waxaa Goobta laga dhisayaa Isbitaal, waxaana la geyn doonaa dhaqaatiir si Gargaar DEG DEG ah ay askarta u helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.