Madaxweynihii shabelle state
Amb. Abukar Abdi Osman,
Mudanyaal iyo Marwooyin, maadaama aan dalka ku sugnaa muddadii dagaalkii ahliga dalka socday oo dhan welina Muqdishu ku sugnaa, shirweynihii dib u heshiisintii oo dhanns aan ka qayb galay, aan ka noqday shir guddoon ama Xoghayaha shirka,
Waxaan halkan, idiin soo gudbindoona taarikhkooban ee Shirkii ugu hore saldhig u noqday shirarkii dib u heshiisiintii dambe oo dhan, ka dibna Dawladnimadii Somaliya ku taaba qaaday ama saldhig loo dhigay.
Shirkii Sodere 6 November 1996-Jan 1997 waxaa la ii doortay Shir-Guddonka Shirkii Dib u heshiisiinti Somalia oo ka qayb galeen madaxdii markaas hoggaanka u haysay ururada Siyaasadda ee dalka jaray.
Shirweynaha ka dib, Shirku wuxuu go’aansaday in la dhiso GOLAHA BADBAADADA QARANB(NSC) iyo Guddiga Fulinta ee Golaha Badbaada Qaran (NSC).
Golah BBQ-NSC waxaa loo dhisay Guddiga Fulinta iyo Shir Guddoomi Wareega.
Xubnaha Guddiga Guddiga Fulinta iyo Shir Guddoonka waxaa ka mid ah:
1. Mudane Ali Mahdi Mohamed La-Guddoomiye Shir, Xubin Guddiga Fulinta.
2. Col. Abdullahi Yussuf Ahmed La Guddoomiye Shirka Xubin Guddiga Fulinta.
3. Mudane Abdulkadir mohamed Adan Zobe La Guddoomiye Sjir, Xubin Guddiga Fulinta.
4. Gen. Abdullahi Adan Gabyow La Guddoomiye Shir Xubin Guddiga Fulinta
5. Mudane Osman Hassan Ali Atto La Guddoomiye ahana Xubin Guddiga Fulinta
6. Avv. Abdi Muse Mayo Xiriiriyaha Guud, Xubin Guddiga Fulinta
7. Mudane Abukar Abdi Osman, Xubin Guddiga Fulinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee GBQ NSC
8. Danjire Abdullahi Sheikh Ismail, Guddoomiyaha Xiriirka Dibedda ahna Xubin Guddiga Fulinta ee GBQ NSC
9. AVV. Mohamed Rajis, Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Ahna Xubin Fulinta ee GBQ NSC.
10. Duuliye Sare Abdi Osman Farah, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ahna Xubin Guddiga Fulinta ee GBQ, NSC
11. Gen. Omar Haji Mohamed Masala, Guddoomiyaha Guddiga Defaaca, ahna Xubin Guddiga Fulibta.
Guddiga Fulinta waxaa soo ukumeen Golaha Dhexe ee GOLAHA BADBAADA QARANKA oo ka kooban 27 qofood inta aan xasuusan:
1. Col. Hassan Mohamed Nur Shati Gaduud, Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC Ahns Guddoomiyaha RRA.
2. Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC.
3. Mudane Mohamed Ibrahim Xaabsade Xubin Golaha Dhexe ee GBW-NSC.
4. Mudane Mohamed Ali Xamud Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
6. Mudane Ali Adan Margus, xubin Golaha Dhexe ee GBQ,-NSC
7. Mudane Abdi Hafow Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
8.Gen. Mohamed Abshir Muse Xubin Golaha Dhexe ee GBQ- NSC
9.Gen. Mohamed Hersi Morgan, Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
10. Col Omar Hashi Adan Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
11.Col. Ahmed Xashi Adan Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
12. Dr Hussein Haji Mohd Bod Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
13. Mudane Abdullahi Fax Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
14. Avv. Abdullahi moalim Xubin G.Dhexr ee GBQ-NSC
15. Mudane Abdi Xaashi Xubin G. dhexe ee GBQ-NSC
16. Col. Osman Roble Xubin Golaha Dhexe ee GBQ-NSC
17. Avv. Jabax
18. Hussein adan
Xubnaha Golaha Dhexe ee GBQ intii ilaa hadda aan xasuusan karo, tirada waxaa ka dhiman 9 xubnood.
Runtii waa shirweynaha ugu hore ee Somali ka kala yimaadeen Golada Somaliya oo dhan ku heshiiyeen kuna dhisteen Gole Badbaado, laguna go’aansaday Somaliya in nidaamka Fedraalka ay qaadato inta one man vote la gaaro in qaab beelo awood dawladda lagu qaybsado, iyadoo qofkasta iyo qabiilkasta xuquuqdiisa lagu xadgudbin.
Danjire Abukar Abdi Osman
Safiirka Somaliya ee Dalka Malaysia.