Home Afsomali Madaale oo qaabilay haweeney boor yaab leh la joogsatay jidadka Muqdisho

Madaale oo qaabilay haweeney boor yaab leh la joogsatay jidadka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey oo muddo raadineysay sidii ay ula kulmi laheyd madaxda sare ee dalka.

“Waxaan ahay Muwaadinad iyo Hooyo Qaran, Xaq ma u leeyahay inaan la kulmo Madaxdeyda, Waxaan rajeyna inay iisoo jawaabaan” ayuu ahaa boor weyn oo ay ku xardhan yihiin sawirada Madaxda dalka oo ay Muwaadin Farxiya Cabdi Muudey la joogsatay qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo codsigaasi ka jawaabaya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Farxiya Cabdi Muudey.

Waxaa uu u sheegay in ay ka muwaadin ahaan xaq u leedahay la kulanka Madaxdeyda, waxa uuna ku dhiirageliyay in dhalinyarada sideeda oo kale ay ku wacyigeliso garab istaaga Dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.