Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.
Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.”
Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.