Home Afsomali New york Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee...

New york Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;
1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.
2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.
3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirka markii uu soo idlaado, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay weheliyaan ka soo qeyb-galeyaasha 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midoowyada Afrika iyo Yurub ayaa shir jaraa’id qaban doona kulanka kaddib, kaas oo lagu soo bandhigayo taageerada iyo garab istaagga caalamiga ah ee amniga Soomaaliya iyo holwgallada dagaalka ka dhanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.