Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha CIidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka(DAAWO SAWIRADA )

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha CIidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo soomaaliya Xubin ka ah.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray qorshaha Fog ee la dagaalanka Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dgaalkanka Argagaxisad iyo Dowladaha taageera.

Shirkan ayaa u ahaa mid muhiim u ah Soomaliya waxuuna ku soo dhamaaday Guul iyo Soomaaliya laga taageero la dagaalanka Argagaxisad iyo ciribtirayo fikirka argagixisada

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyaaha Ciidanka Xoogga Ee dalalka sacuudi, kenya, jabuuti, iyo Xogayaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ee Khawaarijta dalka looga saarayo.

Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka argagixisada ayaa la asaasay sanadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.