Ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ka howlgala Gaza ay soo saareen meydadka labo askari iyo hal qof oo rayid ah oo ay qafaasheen Xamaas 7-dii October.
Askartan ayaa lagu kala magacaabi jiray Cpl. Nik Beizer oo 19 jir ah, Sgt. Ron Sherman oo 19 jir ah. Qofka rayidka ah ayaa magaciisa lagu sheegay Elia Toledano, waana 28 jir u dhashay Faransiiska balse haysta dhalashada Israel.
Beizer ayaa waxaa 7-dii October qabtay Xamaas markii ay weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla agagaarka Isgoyska Erez..
Sherman ayaa markii ugu dambeysay la hadlay hooyadiis subaxnimadii 7-dii Oktoobar, markaasoo xeradii ciidankiisa ay weerareen Xamaas.
Maydkiisa waxa laga soo saaray Gaza intii lagu jiray hawl-gal ay fuliyeen Qaybta 504 ee Agaasinka Sirdoonka Milliteriga, iyo Guutada 551-aad sida ay qoreen wargeysyada israel, lamana sheegin in la dilay ama ay ku dhinteen duqeymaha Yuhuuda.