Shuucigii Karl Marx wuxuu yiri: Raasumaalku waa mala-awaal…!
Magaalo yar oo dadkeeda dhan ay faqiir yihiin, dhamaantoodna deymo iska qaata ayaa waxaa imanaya nin dalxiise ah oo lacag leh, hotel ayuu tegay, miiska ayuu boqol doolar saaray wuuna baxay si uu qol qanciyo u soo fiirsado.
* Inti uu maqnaa ninki hotelka lahaa ayaa jaaniski ka faa’iideystay lacagti ayuu qaatay, hilible maqaayada hotelka deyn ku lahaa ayuu u geeyay si uu deynta isaga bixiyo!
* Hiliblihi wuxuu u tegay mid xoolaley ah si uu deynta isaga bixiyo.
* Xoolaleydi lacagti ayuu qaatay si uu midki cowska keenayay deyntiisa isaga siiyo.
* Cowslihi wuxuu qaatay lacagti wuxuuna siiyay mid gaari lahaa oo cowska u keeni jiray!
* Gaarilihi lacagti ayuu soo dafay wuxuuna u keenay ninki hotelka lahaa madama marka uu magaalada imaado uu qol ka degi jiray si uu daalka uga nasto.
* Ninki hotelka lahaa lacagti boqolka ahayd ayuu miiskeedi ku soo celiyay inta uusan dalxiisihi soo laaban!
* Ninki dalxiisaha ahaa qol cajabiyo ayuu soo waayay, lacagtiisi ayuuna qaatay magaaladiina wuu isaga tegay! Dadki magaalada deganaa oo dhan deymihi lagu lahaa wey iska dhiibeen iyadoo uusan midkoodna lacag helin. Waa sida uu Mareykanka adduunka u maamulo hadda!
Yaa khasaray hadad qormadan akhriday ?