Home Afsomali Mucaaradka Puntland oo kalsoonida kala noqday Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Mucaaradka Puntland oo kalsoonida kala noqday Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u tartameysa  xilka Madaxweynaha Puntland ayaa go’aan midaysan ku go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan ka dib kulan y ku yeesheen magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay  in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Dallada Musharrixiinta Mucaaridka  puntland  oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka in ay sii wadan Hawsha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.