Home Afsomali Dad Maandooriye isticmaalayay oo Magaalada Nairobi lagu xiray

Dad Maandooriye isticmaalayay oo Magaalada Nairobi lagu xiray

Sida ay  baahisay warbaahinta dalka Kenya, shan iyo labaatan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, 117 xabbo oo haamaha shiishadda ahna waxaa lagala wareegay iskaashatooyinka Shiishada ee xafadda Kilimani kadib howlgal ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan ololaha ka hortagga Khamriga iyo Maandooriyaha .

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hogaaminayay howlgalka ka dhacay Beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani e magaalada nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isticmaalaan dadka Shiishada isticmaala ee Nairobi.

Omerkiwa ayaa xusay in inkasta oo la mamnuucay Shiishada tan iyo 2017-kii, haddana isticmaalkeedu uu weli ku badan yahay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.