Home Afsomali liiska Xildhibaanada Cusub Qaatumo ssc

liiska Xildhibaanada Cusub Qaatumo ssc

Waxaa daqiiqado ka hor la shaaciyay Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Puntland oo maalmahaan la sugayay in lagu dhawaqo shaacintooda waxaana lagu soo daray 17 Xildhibaan ee Beesha Dhulahante oo horay loo shaaciyay in aysan ka mid noqon doonin Xildhibanaada cusub ee Maamulka Puntland .

Shaacinta Xildhibaanada cusub ayaa ku soo aadaysa Xili inta  badan mucaaeadka Madaxwayne DANI diidmo ka keeneen hanaanka lagu soo xuulay xildhinaada cusub , waxayna shaaciyeen in inta badan xildhibaanadaas soo xushay Madaxwayne DANI .

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa diginin u jeediyay guddiga xallinta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni, isagoo uga digay in laga leexdo dariiqii baarlamaanka lagu soo xuli jiray

Dhanka kale Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo ka mid ah musharaxiinta ayaa isna madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu guddiga xallinta khilaafaadka ku cadaadinayo inay liiska ka saaraan xidhibaano beelahoodu soo xusheen, laguna beddelo kuwa ay madaxtooyada wadato.

Lixdan iyo Lix Xildhibaan ayaa loo soo xulay Maamulka Puntland waxayna kala yihiin Sida hoos ku xusan :-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.