Home Afsomali masuuliyiinta Somaliland oo go’aan geesinnimo leh ku tilmaantay heshiiskii ay Itoobiya la...

masuuliyiinta Somaliland oo go’aan geesinnimo leh ku tilmaantay heshiiskii ay Itoobiya la galeen

Maamulka Somaliland ayaa si adag u difaacay heshiiskii ay shalay magaalada Adis Ababa kula galeen dowladda Itoobiya, heshiiskaasi ayaana Itoobiya lagu siiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya, halka Itoobiya dhankeeda ballan-qaaday aqoonsi.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta maamulka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay hesjhiiska ay Adis Ababa kula galeen Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sheegay wasiir Cali Mareexaan in heshiiska kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah uu yahay Taariikh weyn oo lagu tallaabsaday, waxa uuna xusay in heshiiskaasi ku doorsadeen aqoonsi iyo koboc dhaqaale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya uu yahay heshiis geesinnimo leh oo albaabada u furaya mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

”Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale. Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw la filayaa in si adag uga hadasho heshiiska ay gaareen maamulka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana la filayaa in dowladda soo saarto go’aanno adag oo lagu diidayo heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.