War murtiyeed ku wajahan “Heshiis ku sheegga Itoobiya iyo Soomaali land”
03/01/2024
Xisbiga Damiirka Soomaalinimada io Horumarka (Xisbiga SOCOD)
wuxuu si cad uga soo horjeedaa ‘Heshiis ku sheegga’ ay kala sixiixdeen
Soomaaliland (gobollada waqooyi galbeed ee Soomaaliya) iyo Dowladda
Itoobiya.
Xisbiga SOCOD wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Itoobiya inay joojiso ku
xadgudubka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, kana laabato “Heshiis ku sheegga” ay ugu gogol
xaaraneyso qaadashada qeybo ka mid ah barriga iyo badda Soomaaliya.
Xisbiga SOCOD wuxuu ugu baaqayaa Dowladda federaalka, Baarlamaanaka
JFS, Dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed inay u
midoobaan difaaca dalkeenna qaanuun ahaan, isla markaasna ay qaadaan
tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo, qarannimada Soomaaliya.
DHmmaad