Home Afsomali Ethiopia oo sii hormarinaysa Ciidanka bada xili ay sheegtay inay heshay bad

Ethiopia oo sii hormarinaysa Ciidanka bada xili ay sheegtay inay heshay bad

Guddiga Baarlamaanka Itoobiya Oo Booqday Xarunta Dhexe Ee Ciidanka Badda Si Ay U Eegaan Horumarka Casriyeynta

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Nabadda ee Golaha Shacabka ayaa dhawaan booqasho ku tagay Xarunta Ciidanka Badda Itoobiya ee ku taal magaalada Bahir Dar.

Intii ay ku gudo jireen kormeerka waxa guddida warbixin ka siiyey Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Admiral Naasir Aba Diga oo ka warbixiyey dedaalka dib u cusboonaysiinta Ciidanka Badda, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasha is-bedelka guud ee qaranka. Waxa uu tafaasiil ka bixiyay tillaabooyinka lagu guulaystay ee lagu tayeynayo shaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha badda.

Guddida Joogtada ah oo ka duulaya xogtii ay ka heleen socdaalkooda, waxay ka wadahadleen gudashada waajibaadkooda shaqo ee ay u igmadeen dawladda iyo shacabka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.