#Degdeg: Askari ka tirsan ilaalada Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay weerar hoobiye ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay, kaasoo lagu dilay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobay.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku taallo xarunta Qaramada Midoobay.
“Ciidanka Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta amniga iyo ammaanka shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya sidii ay u taageeri lahaayeen nabadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa falkaas xadgudubka ah, fikirkayaguna waxaan la joognaa qoyska iyo asxaabta dhibbanaha. xilligan adag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.
Marka laga soo tago dhimashada, weerarku wuxuu sidoo kale sababay burbur soo gaaray kaabayaasha Qaramada Midoobay. Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in kooxdu ay fulisay weerarka.
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkan, waxayna sheegtay inay ka go’an tahay inay taageerto shacabka iyo dowladda Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.