.
google wuxuu shegayaa hadii lughaye la qoro in ay tahay Goob Ethiopia dakad ku leedahay
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.
War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.
Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado,
Dhinaca kale waxaa walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soomaaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale.