Home Afsomali Mahad salaad oo ka qayb gashay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika

Mahad salaad oo ka qayb gashay shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika

Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galaya shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika kaas oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida, si loo helo bariga Afrika oo nabad ah kana caagan wax kasta oo wax u dhima kara xasiloonida.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka, iyagoo qaarkood kuwada guulaystay howllo ay iska kaashadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.