Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.
Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.
“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.