Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyayaal ah oo goordhow ku dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Hoobiyeyaasha ayaa dhaliyay khasaare u badan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa, xilliga uu dhacayay weerarka.
“Wajiga dhiig ayaa iga da’aya, lugahana firir ayaa iga galay” ayuu yiri goobjooge dhaawac ah oo nala hadlay, kadib weerarka.
Sidoo kale waxaa istaagay inta badan ganacsigii suuqa, ayada oo lagu kala cararay markii ay soo dhaceen hoobiyeyaasha.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.