Home Afsomali Xawaadle oo u diiday Cali guudlaawe in uu maxaas gudaha u galo

Xawaadle oo u diiday Cali guudlaawe in uu maxaas gudaha u galo

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ilaa Xalay ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhaxeeysa maamulka degmada Maxaas iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.
Xiisada ayaa timid kadib markii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda ay diideen in Maxaas uu tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo doonayay inuu tago degmadaas.

Ilo ku sugan degmada Maxaas ayaa inoo sheegay in saakay wali ay kacsan tahay xaalada magaalada Maxaas, maadama ay ku wada sugan yihiin gudaha magaaladaas ciidamo diidan in Guudlaawe tago Maxaas iyo kuwa doonayo iney kusoo dhaweeyaan.

Diidmada Maxaas ee Guudlaawe ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Shalay lagu soo dhaweeyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, xili maalmahii lasoo dhaafay uu safaro ku marayay madaxweyne Guudlaawe deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Dhexe, islamarkaana sidaas oo kale qorsheynaayay inuu safaro ku maro gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.