Talaadadii, Iran ayaa boqolaal gantaallo ku ridday Israa’iil, qayb ka mid ah gantaalladaasna waxay ahaayeen kuwa guuxooda ka dheereeya ee hypersonic ga loo yaqaano kuwaas oo ka gudbay nidaamka difaaca ee Iron Dome iyadoo ay Iran sheegtay inay ku dhaceen bartilmaameedyadoodii.
Yaa haysta? Maxay tahay awoodda nooca Iran ay riday, maxayse uga dhigan tahay gobolka bariga dhexe?
Gantaallada guuxooda ka dheereeya waa hub awood u leh inuu ku socdo xawaare gaadha ugu yaraan Mach 5, taasoo ka dhigan shan jibaar xawaaraha codka. Wuxuu ilbiriqsigii jari karaa 1.7km, ama 6,174km saacaddii.
Gantaallada qaar ee ballistic ah durba ayay gaaraan xawaare noocan ah, laakiin hubkan cusub wuxuu kaga duwan yahay in uu qaadi karo waddo aan la saadaalin karin ama aan toosneyn marka la rido.
Taas oo ka dhigaysa mid ay adagtahay in lagu ogaado nidaamyada radar-ka iyo in lagu burburiyo hanaanka difaacyada.
Dalal badan ayaa wada horumarinta hubkan iyaga oo rajaynaya inay ku helaan awood millatari, laakiin caqabado ayaa ka haysta weli.
Mid ka mid ah caqabadahaas waa kala duwanaanshaha heerkul ee ku yimaada marka gantaal la rido oo uu ka baxo oogada sare ee deedna kusoo laabanayo taasoo dhalisa heer kul aad u sarreeya, taas oo dhalinaysa in qaybo gantaalka ah inay aad u kululaadaan kadibna ay adkaato in ay gaaraan fariimaha hagitaanka.
Ilaa hadda, Ruushka, Shiinaha iyo Iraan ayaa soo bandhigay hubkan loo yaqaano hypersonic ga, iyadoo Moscow la rumeysanaa inay dagaalka Ukraine horey ugu tijaabisay, iminkana waxaa soo raacday Iiraan oo 1-dii October ku riday Tel Aviv.
Mareykanka sidoo kale wuxuu tijaabiyay gantaalladan xawaaraha sare leh laakiin wuu ka gaabiyay heerka ay ka gaareen dalalkan kale.