Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Maxamed (Cirro) ayaa maanta shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray.
Xubnaha golaha wasiirada oo ka kooban illaa 48 xubnood oo isugu jiro wasiirro, ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal, waxaana warbaahinta la wadaagay Aadan Deyr oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha oo isna saaka uun la magacaabay.
Wasiirada la magacaabay ayaa inta badan laga keenay Xisbiga Waddani ee ku guuleystay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee looga adkaaday Muuse Biixi.
Magacaabistan ayaa kusoo aaadeyso, iyada oo Khamiistii lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Cirro si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha Somaliland.
Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada cusub:-
- Cabdale Maxamed Sandheere: Wasiirka Amniga – HabarAwal, Ciise Muuse.
2- Xasan Axmed Macalin: Wasiirka Dawladaha Hoose – Habarjeclo, Cimraan
3- Yoonis Axmed Yonis: Wasiirka Cadaalada – Toljeclo.
4 -Cabdulaahi Xasan Cawale: Wasiirka Maaliyada – Habarawal, Sacad Muuse
5- Cabdiraxmaan Dahir Bakaal: Wasiirka Arrimaha Dibadda – Gadabuursi, Habarcafaan
6- Dr Xuseen Bashir Wahan: Wasiirka Caafimaadka – Ayuub.
7- Xuseen Axmed Caydiid: Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka & guriyaynta – Arab, Muuse Abokor.
8- Khadar Xuseen Looge: Wasiirka Madaxtooyada – Garxajis, Ciidagale.
9- Cali Jamac Buureed: Wasiirka Kaluumaysiga – Harti, Warsangeli.
10- Maxamed Yusuf Ilkacase: Wasiirka Gaashaandhiga – Habarjeclo, Solamadow
11: Axmed Jaamac Barre: Wasiirka Macdanta iyo Tamarta – Samaroon, Maxamed Case.
12: Marwo Kaltun Sheikh Xasan: Wasiirka Qorshaynta – Habarawal, Sacad Muuse.
13: Cismaan Ibrahin Afgaab: Wasiirka Gaadiidka – Garxajis, Habaryoonis
14: Prof Ismail Yusuf Du’ale: Wasiirka Waxbarashada Somaliland – Habarjeclo, Muuse Abokor.
15: Abubakar Cabdiraxman Good: Wasiirka Biyaha – Samaroon, Maxamed Case.
16: Marwo Milgo Maxamed Sanbalooshe: Wasiirka Shaqada – Arab, Hashim.
17: Maxamuud Cige Yusuf: Wasiirka Beeraha, Gabooye.
18: Fuad Axmed Nuux: Wasiirka Duulista – Habarawal, Sacad Muuse.
19: Axmed Yasiin Sheikh Cali: Wasiirka Warfaafinta – Samaroon, Makaahiil.
20: Cabdullahi Cisman Geeljire: Wasiirka Deegaanka – Garxajis, Habaryoonis.
21: Axmed Awdahir Xaji: Wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha – Harti, Dhulbahante.
22: Jamal Mohamed Jama: Wasiirka Isgaarsiinta – Harti, Dhulbahante.
23: Saleebaan Ducaale Xaj: Wasiirka Dib udejinta – Habarjeclo, Reeryoonis.
24: Axmed Maxamed Coofle: Wasiirka Ciyaaraha – Ciise.
25: Cumar Shucayb Maxamed: Wasiirka Xanaanada Xoolaha – Habarawal, Ciise Muuse.
26: Sheikh Abdulahi Bashe: Wasiirka Diinta & Awqaafta – Habarjeclo – Cumar.
27: Cabdiraxmaan Xasan Nur Furre: Wasiirka Ganacsiga – Garxajis, Ciidagale.
28: Siciid Maxamed Buraale: Wasiirka Maalgashiga – Harti, Warsangeli.