Home Afsomali Kenya oo dib u soo celisay ciidana tiro ahaa la shaacin...

Kenya oo dib u soo celisay ciidana tiro ahaa la shaacin oo ah kuwii xadbeenaadka ka gudbay

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay dalka ku soo celiso ciidamadii ku jabay dagaalkii Raaskambooni ee gudaha u galay dalka Kenya, kuwaas oo isku dhiibay dowladda Kenya.

Maalmo ay wadahadallo ciidamadaas ku saabsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay socdeen kadib, waxaa ka isku raacay in ciidankaas loo soo daabulo Muqdisho.

Diyaaradihii ugu horeeyey oo ciidankaas wada ayaa galabta kasoo degay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, inkastoo ay ogaatay Caasimada Online, hadana dowladda Soomaaliya ayaa qarisay xogta ciidankaas.

Ilaa berri ayaa lagu wadaa in ciidamada kale ay soo gaaraan Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey in askarta galabta la keenay aysan wadan hubkoodii, lamana oga sababta looga reebay.

Waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah mar kale Kenya ugala xaajoon doonto hubka ciidankii isku dhiibay, waxaana suurtagal ah in diyaarad gaar ah lasoo saaro.

Inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ciidankaas, hadana Kenya ayaa marar kala duwan baraha bulshada ku shaacisay inay kor u dhaafayaan 600 oo askari.

Arbacadii lasoo dhaafay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni ee lagu jebiyey ciidanka qaranka Soomaaliya ayaa dowladda ku noqday bar-madow, waxaana weli socota hadal-heyntii ka dhalatay.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa sidaan oo kale Muqdisho looga soo dejiyey ciidankii Jubbaland ay ku qabatay dagaalka, kuwaas oo Raaskambooni laga soo saaray ilaa 3 diyaaradooda, waxay ahaayeen ciidan dhaawacyo u badan oo boqol kor u dhaafay.

Fadeexada ku dhacday dowladda Soomaaliya waxaa u dheer in weli aysan ka tanaasulin abaabulka dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe, si xukunka looga tuuro, waxaana suurtagal ah in Gedo iyo Jubbada Hoose mar kale loo diro ciidan la dagaalama Axmed Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.