Home Afsomali Ciidamada Ethiopia oo garab ka helaayo kuwa jubbaland ayaa ciidamada dowlada Somalia...

Ciidamada Ethiopia oo garab ka helaayo kuwa jubbaland ayaa ciidamada dowlada Somalia xoog uga saaray magaalada doolow ee gobolka gedo

Warar dheeraad ah ayaan ka heleynaa Magaalada Dooloow oo  ay ku dagaalameen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Jubaland oo iskaashanaya iyo ciidamada Dowlada aderaalka Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowlada gabi ahaanba laga saaray Magaalada Dooloow oo ayna xeelad dagaal ahaan uga baxeen madaama looga adkaaday.

Duleedka Magaalada Dooloow ayay ciidamada Dowalada ku sugan yihiin waxaana gabi ahaanba magaalada qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta cadeystay qorshahooda iyo taageerada ay u hayaan Maamulka Jubaland.

Dowlada Itoobiya waxay sidoo kale maanta jabisay heshiiskii Ankara ay Dowlada Somalia kula gashay kaasoo dhigayay in labada Dowladood ilaaliyaan madax banaanida iyo qaranimada dal kasta iyo xuduudihiisa, ciidamada Itoobiya waxay si toos ah ugu talaabsadeen qodobkaasi markii ay ciidamada Dowlada xabad gudaha Somalia kula dagaalameen ciidamada qaranka .

Warar kale oo aan ka helany sababta dagaalka maanta keentay ayaa sheegaysa in ciidamada Qaranka isku dayeen inay magaalada ka celiyaan wadi ka socday Maamulka Jubaland oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Doolow kuwaasoo doonayay inay gudaha u galaan Magaalada Dooloow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.