Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.
Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.
Qoyska Hanad, waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.
Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.
“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.
Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah ku daayaan.
Wixii Faahfaahin Ah, La Soo Xiiriir:
Agaasimaha Goobjoog Media Group
Cassan Maxamud
+252 615 822304
April 1, 2017
MEDIA RELEASE
FOR IMMEDIATE RELEASE
KIDNAPPING OF GOOBJOOG TELEVISION PRODUCER HANAD ALI GULED
Goobjoog Television news producer was Saturday morning kidnapped by hooded men in unclear circumstances outside in the outskirts of Mogadishu.
Initial reports from his family indicate Mr. Guled had received threats from unknown people. Guled was actively involved in the drought relief campaigns under the banner, Media for Aid, an outfit he had recently co-founded with some colleagues.
Family sources and his colleagues say the threats involved his Media for Aid campaigns. The family source notes that Mr. Guled’s last communication shortly after his kidnap provided little information indicating he had been locked in a small room.
“Mr. Guled’s kidnap is yet another stain in the conscience of the media industry in Somalia and adds to disturbing trends of concerted efforts at silencing journalists determined to pursuing the truth and standing in the gap for the voiceless in Somalia,” Goobjoog Media Group director Hassan Mohamud said.
Goobjoog Media Groups condemns the kidnapping of Mr. Guled and unequivocally calls for his unconditional release.
For more information, contact
Goobjoog Media Group Director
Hassan Mohamud
+252 615 822304
Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa cambaareeyay afduubka loo geystay Wariye Hanad Cali Guuleed.
Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ka dalbaday kooxaha afduubtay weriyaha iney shuruud sii daayaan, isagoo ku baaqay in la xurmeeyo bahda warbaahinta.
Lama oga illaa hadda cida afduubatay, weriyaha, sababta loo afduubay iyo halka la geeyey, inkastoo xaaskiisu ay sheegtay in xalay oo dhan ay telefankiisa soo wacayeen kooxo hubeysan oo u hanjabayey.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0