Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho lagu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Muslimiinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah.
Balse waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jarmalka, iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin.
Go’aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka mudaaharaadyada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goobaha waxbarasho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin.
Gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaabka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dambeeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay. Toddobaadkii hore, dowladda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsanaya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa’iil.