Home Afsomali Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo casho sharafeed ku maamuusay wafdiga Azerbaijan

Muqdisho, Febraayo 05, 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Caasimadda Muqdisho wafdiga Azerbaijan ee booqashada ku jooga dalka oo uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Yalchin Rafiyev, tani oo caddayn u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee kobaca samaynaya ee u dhexeeya labada dal.

Booqashada wafdiga Azerbaijan ayaa astaan u ah xiriirka horu-socodka leh ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah oo ka marqaati ah ka go’naanshaha Soomaaliya iyo Azerbaijan taabagelinta iyo qoto-dheereynta iskaashi wadaag dhinac weliba leh.

->###<-

Waaxda Warbaahinta
Communications Department

#Soomaaliya #Soomaali #Muqdisho #Azerbaijan #Azerbaijani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.