Baadigoobka iyo la dagaalanka kooxdan noqotay halka ay ka noolyihiin kooxda Daacish ee Africa, ayaa noqon karta howl adag maadaama ay kooxdu ku dhuumaaleysanayaan buuraha waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Laakiin sida caadada u ah Donald Trump, kadib markii todobaadkii hore uu amar ku bixiyay in la duqeeyo aaggas, qoraal ayuu soo dhigay baraha bulshada oo leh “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”
Trump ayaa sheegay in duqeynta, oo timid wax ka yar labo toddobaad ee uu xilka hayay, lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Daacish iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay “burburiyeen godadkii ay ku noolaayeen, ayna dileen argagixiso badan, iyadoo aan sinnaba loo dhibaateyn dadka shacabka ah”.
Biden iyo saaxiibadiisa tallaabo deg deg ah ma aysan qaadeen oo shaqadan ma aysan qabteen,” ayuu yiri Trump.
Xaqiiqda ah in Soomaaliya ay noqotay bartilmaameedkii ugu horreeyay ee howlgallada ay fuliyaan milatariga maamulka cusub ee Mareykanka, ayaa ka yaabisay dad badan oo dalkan ku nool, kuwaas oo ka cabsi qabay in Mareykanka uu qorsheynayo inuusan taageero u muujin doonin.
Markii ugu horeysay ee uu xilka qabtay, Trump, waxaa uu dalka ka saaray ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah, go’aankaas oo uu meesha ka saaray Biden oo xilka kala wareegay.
Heshiiskii ahaa $600,000 (£492,000) ee sanadkiiba ah oo dowladda Soomaaliya ay dhawaan la saxiixatay shirkadda BGR Group ee Washington, ayaa muujinaysa walwalkooda.
Xilligii Biden, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya waxa ay wadeen howlgallo gaar ah, iyagoo tababar siinayay ciidamo Soomaali ah, waxaana ay fulinayeen duqeymo joogto ah.