
Saraakiil Booliis Soomaaliyeed ah ayaa aqoon kororsi u jooga Dalka Ruushka kuwaaasoo ay dirtay Dowlada Soomaaliya.
Wararku waxay tilmaamayaan in saraakiishaani lagu casuumay Xaflad dhaqameed uu soo qaban qaabiyey Mac-hadka ay wax ka bartaan.
Xafladda intii ay socotay waxaa Saraakiisha Soomaalida ah lagu gudoonsiiyey abaalmarino ay ku mutaysteen dhaqan wanaagooda.
Sidoo kale waxaa lagu amaanay Saraakiisha Booliiska Soomaalida siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideystaan fursadda aqoon kororsiga ee ay heleen.