Home Afsomali Ciidanka Qaranka oo dib ula wareegay degaano badan ee Gobolka Sh/dhaxe

Ciidanka Qaranka oo dib ula wareegay degaano badan ee Gobolka Sh/dhaxe

Ciidanka Qaranka oo dib ula wareegay degaano badan ee Gobolka Sh/dhaxe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ayaa dib u qabsaday magaalooyinka Ceelbaraf, Miirtuug, iyo Cali Axmed ee Sh/Dhaxe.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga degaanka ayaa laba jiho ka galay degmada Ceelbaraf, iyadoo dhanka Hiiraan ay kasoo galeen ciidanka deegaanka beesha Xawaadle, halka dhanka Sh/Dhaxe ay ka galeen ciidanka Xoogga Dalka. Arrintan ayaa keentay in dagaal la’aan ay si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gasho Ceelbaraf.

Sidoo kale, ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka beelaha Maxamed Muuse iyo Warsangeli ayaa dagaal la’aan kula wareegay magaalada Miirtuug ee Sh/Dhaxe.

Dhanka kale, dagaal culus oo qaatay 24 saac kaddib, waxaa si buuxda gacanta Dowladda ugu soo gashay magaalada Cali Axmed, halkaas oo ay si wadajir ah ula wareegeen ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka beelaha Xawaadle iyo Sacad.

Guulaha saaka ay gaareen ciidanka qaranka ayaa qeyb ka ah isbeddel lagu sameeyay hoggaanka dagaalka, kaddib markii Dowladda ay xirtay saraakiil ciidan oo baneeyay goobo ay dib u qabsadeen kooxaha Argagixisada ah,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.