Home Afsomali Trump oo wafdi Somaliland u dirayo si ay u soo qiimeeyaan

Trump oo wafdi Somaliland u dirayo si ay u soo qiimeeyaan

Wafdi Miisaan Leh oo Ka Socda Maraykanka ayaa Somaliland Imanaya kuwaas oo u socda arimaha aqoonsiga.

Wafdi miisaan leh oo ka socda dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda booqasho ku yimaadaan Somaliland.

Wafdigan ayaa ka mid ah waftiyo hordhac ah oo sii gogol xaadhaya xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan wada-hadallada la xidhidhka dhinaca aqoonsiga iyo iskaashiga labada dhinac.

Booqashadan ayaa muujinaysa in ay sii kobcayaan danaha Maraykanka ee mandaqadda iyo muhiimadda Somaliland ku leedahay istiraatiijiyadda gobolka.

Xildhibaano ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa si weyn ugu ololeynayay in Somaliland u qalanto in Madaxweyne Donald Trump uu aqoonsado.

Trump Intii uu ku jiray ololihiisii doorashada, mid ka mid ah soo-jeedinihiisa uu Trump sameeyay waxa uu ahaa in haddii la doorto, uu Somaliland si rasmi ah u aqoonsan doono.

Arrintan ayaa muujinaysa taageerada sii kordhaysa ee Somaliland ka helayso siyaasiyiinta Maraykanka, taasoo muhiim u noqon karta dadaallada ay waddo xukuumaddu si ay u hesho aqoonsi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.