Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Safar aan Lasii Shaacin ku Aaday Dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Safar aan Lasii Shaacin ku Aaday Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga.

Safarkan ayaa ku yimid kadib casuumaad uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.

Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada-hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, kaas oo gaarsiisan heer istaraatijiyadeed isla markaana taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Safarka madaxweynaha oo yimid xilli xasaasi ah

Safarka madaxweynaha ee Turkiga ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo iyadu shalay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo qiyaastii 40 km koonfureed kaga beegan degmada Cadale, halkaas oo shalay uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa madaxweynaha, uuna kasoo laabtay shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.