Xukuumadda Somaliland, ayaa amar ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in dadka ajaanibka ah ee aan haysan sharciga dalku ay muddo 3 maalmood gudahood ah kaga baxaan dalka Somaliland.
Amarkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland oo hoggaaminaysa guddida amniga qaranka, ayaa lagu sheegay in muddada saddexda maalmood ah ee loo qabtay in dadka ajaaniibta ah ee bilaa sharciga ahi ay dalka kaga baxaan ay ka bilaabmayso 30 April 2025, kuna eeg yahay 02 May 2025.
Dhanka kale Somaliland Ayaa Maxabiistii Ugu Samaynta Badna Ee Lugu Qabtay Dagaalkii Laascaanood Sii Daynaysa Iyada Oo Weli Saraakiishii Ugu Sareeyay Ciidanka Somaliland Ku Xidhan Yihiin Lascanood Iyaka Oo Jabhad Nabad Diid Ah Gacanta Ugu Jira.
Sidee U Aragta?
Madaxweyne Deni ayaa isna soo daayay 9 maxbuus oo Somaliland lagaga qabtay dagaalkii Laascaanood oo Garoowe ku xidhnaa, si gaar ahna Puntland gacanta ugu haysay, Puntland ayaa markooda dhar buluug ah oo isku wada mida u xidhay maxabiista ay sii daynayeen.