Wafdi ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa la soo gaaray magaalada Muqdisho, caasimada Soomaaliya. Wafdigan oo ka kooban ciyaaryahanno hore oo Afrikaan ah, ayaa ka soo ciyaaray horyaalada qaarada Yurub iyo kuwa caalamiga ah, waxayna ka mid yihiin ciyaartooyda caanka ah sida Samuel Eto’o, oo hore u ahaa xiddigii kooxda Barcelona isla markaana hadda ah madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Cameroon, Jay-Jay Okocha, oo halyeey u ah xulka Qaranka Nigeria, iyo Emmanuel Adebayor, oo hore u ahaa weeraryahanka xulka Qaranka Togo.
Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa ah in la horumariyo kubadda cagta Soomaaliya, iyo sidoo kale in la qiimeeyo xaaladda amniga ee dalka, si loo ogaado in Soomaaliya ay awooddo inay martigeliso tartamada caalamiga ah ee kubadda cagta, gaar ahaan kuwa ka dhaca Afrika iyo dalalka Carabta.
Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdigan, waxaana qabanqaabadaas hoggaaminaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Tani waxay noqonaysaa munaasabaddii ugu sareysay ee FIFA soo dirto Soomaaliya muddo 35 sano ah, taas oo muujinaysa muhiimadda ay FIFA siineyso horumarka kubadda cagta ee dalka.