Home Afsomali Mucaaradka Dowladda oo maanta shir uga furmaya magaalada Muqdisho

Mucaaradka Dowladda oo maanta shir uga furmaya magaalada Muqdisho

Xubnaha mucaaradka ku ah Dowladda ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu shir uga furmo magaalada Muqdisho kaa oo ay kaga hadlayaan siyaasadda guud ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah xubanaha Mucaaradka ayaa u xaqiijiyay warbaahinta gudaha inay maanta qabsan doonaan shirweyne ay aayaha Soomaaliya kaga tashan doonaan oo ay ugu weyn tahay arrimaha Doorashooyinka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha mucaaradka qeyb ka ah ayaa xalay laga dareemayay hoyga magaalada caasimadda uu ka degan yahay mashquul aad u xoogan.

Qoraal uu bulshada la wadaagay ayuu Rooble ku xaqiijiyay jiritaanka shirka maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho kadib markii xalay uu kulan la qaatay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shariif Hassan Sh. Aden iyo xildhibaanno ka mid Golaha  Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay iska wareysteen xaaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo.

Shirka waxaa la filayaa inay kasoo muuqan doonaan Madaxweynihi hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Xasan Cali Kheyre, Cabdi Faarax Shirdoon, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal sidoo kale waxaa jira xildhibaano hadda ku jira Golaha Shacabka iyo wasiiro hore inay madashaan kasoo muuqdan.

Wixii kusoo kordha shirka maanta ay yeelanayaan mucaaradka halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.