Home Afsomali Bolice kenya oo xabsiga u taxaabay qaa ka mid ah Ganacsatada Xeryaha...

Bolice kenya oo xabsiga u taxaabay qaa ka mid ah Ganacsatada Xeryaha Qaxootiga

Booliska Dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay  ugu yaraan 7 Ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in howlo ku aadan tahriibin ay ka wadeen Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Isku duwaha Arrimaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamed Saalax ayaa waxuu sheegay in Raggaan ay Dukumiintiyo been abuur ah ay u sameeyaan Qaxootiga ku sugan Xerada Dhadhaab.

Booliska Kenya ayaa haatan wada baaritaan lagu wado Dadkii halkaasi lagu soo qabtay.

Howlgalladaan lagu soo xiray 7-dan Ruux ayaa sidoo kale waxuu daba socdaa kuwa kale oo Ciidamada ay ka wadaan Magaalooyin waa weyn ee Dalkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamada Booliska Kenya ay soo xireen Sarkaal dhalinyaro u qora Kooxda Daacish iyo Xarakada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.