Marxalada maanta Muqdisho ku sugantahay ma ahan mid loo sii dul qaadan karo, Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ee sida aadka ah u jecel Soomaalinimada iyo qarannimada ummaddan waxaa loo hagraday si hagarla,aaneed. Shacabka Muqdisho waxaa laga galay xaqdaradii ugu wayn abid ee ummad magaalo ku nool laga galo. Waxbadan ayaan dul qaatay ,aamusay sugay maalin ay cadaalad timaado. Laakiin maanta waan hadlayaa waliba kor ayaan u hadlayaa waxaan ku qaylinayaa cadaalad. Waxaan u digayaa shacabka masaakiinta ah ee daacada ah ee dulmiga laga galay. Waxaan u istaagayaa raadinta xaqan maqan iyo xuquuqdan lagu xadgubay. Waxaan jeclahay in aad dareenkaaga si dhameystiran u siiso dhowr kan qodob ee aan ku sharaxayo xaqdarada iyo xuquuqduudsiinta dadka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.
Amniga.
Muqdisho waxaa ku sugan in ka badan 30,000 kun oo ciidan Ajnabi ah oo kan ugu yar bishii mushaar ahaan u qaato in ka badan 1200 oo dollar. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidan Soomaaliyeed oo nooc kasta leh , Inkasta oo aan tiro rasmi ah laga hayn hadana qiyaas ahaan markii la isku dar daro ciidamada Soomaaliyeed ee kaliya ka howl gala Muqdisho kama yara 10,000 ilaa 15,000 kun oo nooc kasta leh.Intaa waxaa usii dheer ciidmado aan si toos ah u hoos tagin Dowlada oo si yaabo gaar gaar ah loo leeyahay. Hadana maalinkasta shacabka Muqdisho waxay ku soo toosaan Argagax, Qarax, Dil iyo dhibaatooyin kale haba ugu badnaadeen kuwa kaga yimaada ciidamada Ajnabiga ah, ururka Shabaab iyo codowga kale ee ku dhex qarsoon. Runtu waxay tahay magaalada intaas oo ciidan ah ku sugantahay amnigeeda lama sugi waayine ee waxaa jirta hagrasho hagar la,aaneed.
Canshuurta dalka
Dowladeena oo dhan oo dhameyran. Ilaa madaxa ugu sareeya iyo ilaa shaqaalaha ugu hooseeyaa dhamaantood waxay ku dhaqdhaqaaqaan oo kaliya canshuurta ka soo baxda magaalada Muqdisho markii laga reebo xoogaaga tuugsiga lagu helo. Wadankeena waxaa ku yaal Garoomo shaqeeya oo maalinkasta Diyaarado ku soo dagaan lagana helo dhaqaalo xoog leh. Sida Garoonka Muqdisho , Garoonka Hargaysa , Garoonka Boosaaso , Garoonka Kismaayo,Garoonka Berbera, Kan Baydhabo iyo kuwa kale oo iska yar yar. Dhamaan Garoomadaas waxaa ka soo xaroota lacag badan haba sii kala badnaadeene. Laakiin ma ogtahay markii laga reebo Garoonka Muqdisho, Inta kale Dowlada Soomaaliyeed hal dollar kama soo gasho, Dhamaan lacagaha ka soo baxa waxaa qaadata mamaamulada magaalooyinkaas ka arimiya.
Sidoo kale dalkeenu waxaa u leeyahay Dakado shaqeeya oo bishii soo xareeya lacago xoog leh, Sida Dakada Muqdisho Tan Kismaayo Tan Berbera iyo Tan Boosaaso. Dhamaan dakadahaas canshuurta iyo dhaqaalaha ka soo xarooda markii laga reebo tan Muqdisho hal dollar Dowlada dhexe kama hesho ee waxaa qaata oo si gaar ah ugu daneysta maamulada maamula ,
Magaalooyinka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa waa wayn waxaa ka jira ganacsiyo aad u badan iyo shirkado waa wayn oo bixiya lacago canshuuro ah oo xoog leh. Markii laga reebo Ganacsatada Muqdisho ku nool iyo shirkadaha Muqdisho ka dhex jira canshuurta ay bixiyaan inta kale canshuuraadka laga qaado hal dollar Dowlada dhexe kama soogaarto ee waxaa si gaar ah ugu daneysta maamulada maamula magaalooyinka ganacsiyadaasi ka jiraan.
Hadaba waxaa is waydiin mudan miyaan la wada dhisan dowlada dhexe? Sidee xaq ku tahay in maamulkastaa dhaqaalihiisa isku koobo laakiin dhaqaalaha Muqdisho lagu kala wado dhamaan hay,adaha Dowlada dhexe. Sidee xaq ku noqon kartaa in shacabka Muqdisho la nool yahay dhibaatada intaas le eg oo uu maalinkasta ku waabiriisto Qarax, Dil iyo dhibaatooyin kale. Halka canshuurta iyo dhaqaalaha kaliya ee Dowlada dhexe siday doonto u isticmaashaa yahay kan Muqdisho oo kaliye.
Malaha Muqdisho sad dheeraad ah ayay ku qabtaa Dowlada dhexe?
Hadaba aan si fiican kugu jawaabee ogow Baarlamanka Soomaaliyeed ee dhisan oo dhameystiran kuma jiro hal qof oo matala magaalada Muqdisho , Aqalka Sare ee dhawaan la soo biiriyay hal qof oo matala Muqdisho kuma jiro. Intaas waxaa sii dheer hadii maamulkii gobolka iyo madaxdii magaaladu u istaagi lahaayeen in ay Muqdisho xaqeeda u dhiciyaan kuma dhacaan waayo shacabku ma soo dooran ee waxaa soo magacaaba Madaxwaynaha Dowlada dhexe oo kuma dhacaan in ay ka hadlaan dan shacab waayo hadii aysan ka shaqeyn danta madaxda Dowlada dhexe waxaa hubaal ah in si dhaqso ah looga badal qaadanayo.
Hadii aad fiiriso dhanka dhismayaasha iyo kaabayasha kale ee dhaqaalaha haba yaraatee ma jirta sad dheeri ah oo ay si gaar ah Muqdisho ugu qabto Dowlada dhexe . Wadooyinka dhismay waxaa lagu dhisay mashruuc maamulka gobolku dhaqaalo kaga aruuriyay shacabka magaalada, Qaarka kalana waxaa dhisay walaalaheen Turkiga, Dhismayaasha Guryaha qurxoon ee soo kordhayna dhamaantood waa guryo si gaar ah loo leeyahay oo dadkii lahaa dhisteen. Ma jirto meel magac ama miisaaniyad leh oo shacabka dani ugu jirto oo Dowladu ka dhistay Muqdisho . Ma jirto Warshad ama goob kale oo ay shacabku ka heli karaan shaqooyin oo ay Dowlada dhexe hirgalisay, ma jirto kolay ogaalkay hal Mashruuc oo shacabka Muqdisho dani ugu jirto oo ay Dowlade dhexe hirgalisay, Bal iskaba dhaaf wax kalee Dowlada Soomaaliyeed waxaa ay ku guul daraysatay in caasimada dhan ee dalka ay ka hirgaliso traffic light.
Dhalinyarada Muqdisho shaqooyinka dowlada dhexe ka banaanaada helitaan koowada waxaa uga badan kuwa ka yimaada qurbaha , Taas waxaaba sii dheer masuul kasta oo ka tirsan dowlada dhexe dadka la shaqeeya waa dad uun ay isku ehel yihiin oo dabcan kala yimid deegaankii uu ka yimid..
Ugu danbeyntii qofkasta oo Soomaaliyeed oo neceb cadaalad darada ,Qofkasta oo Soomaaliyeed oo dagan Muqdisho ama u naxaya waxaan ugu baaqayaa in aad igala soo qeyb gashaan , ila doontaan sidii magaaladaani ku heli laheyd xaqa ay xaquuqda u leedahay. Iidinkuma baaqayo in aad mucaarad noqotaan ama dhibaato gaystaaan waxaan rabaa in aan magaaladan xaqeeda usoo dhicino anaga oo adeegsanayna, dhowrayna, ka shaqeynayna, ilaalinayna Hanaanka Dowladnimo ee dalkeena iyo anaga oo kor u sidna Qarankeena.
Walaalkiin Cali Aar Abdi Sheikh.