Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu amaanay hanaanka uu kula xisaabtamayo Wasaaradaha Xukuumaddiisa.
Wasiirkii hore ee Haweenka Aamina Mursal Muuse oo u warrameysay oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in sidii loo baahnaa uu u gudanayo howshiisa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyadoona kula dar daarantay in howsha meesha uu ka sii wado , dhinaca kalana shaqaalaha Dowladda ay sidooda u sii wataan howlahooda islamarkaana aan boosaskooda dad gaar ah oo Wasiirada cusub wataan lagu bedelin sida ay hadalka u dhigtay.
Dhinaca kale Cabdulle Faarax Xirsi Cagooleey oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladi ay ku shaqeyn karto isla xisaabtan taasina uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaana uu cod dheer ku sheegay in rajo fiican uu galiyay Ra’iisul Wasaaruhu Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si Kadis ah ku booqday Xarumaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya isagoo u kuur galiyay sida ay uga soconayaan howlaha Qaranka.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0